Heemaal News Network

Qaramada Midoobey Oo Heshiis Dhinaca Xaalada Gobolka Tigrey la Gashay Itoobiya.

Qaramada Midoobey iyo Itoobiya ayaa gaaray heshiis ku saabsan in la furo marinada gargaarka si loogu gurmado shacabka ku nool gobolka uu dagaalka ka socda ee Tigray, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qarmada Midoobey.

Afahahyeenka UNSaviano Abreu ayaa sheegay in gelinka dambe ee Arbacada ay bilaabayaan howl lagu soo qiimeynayo xaaladda si gargaar loo gaarsiiyo shacabka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaana lagu soo warramayaa in cuntada iyo dawooyinka ay gabaabsi yihiin gobolkan ay ku nool yihiin malaayiin qof.

Boqolaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallada u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa TPLF.

Dowladda waxay dhawaan shaacisay in ciidamadeeda ay la wareegeen caasimadda Mekelle.

Balse TPLF waxay sheegeen in weli ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda.
Xigasho BBC

Related posts

Itoobiya Oo U Digtay Dowladda Sudan.

Heemaall

Wafti ka Socday Somaliland Oo Madaxwayne Cagjar kala Hadlay Joojinta ka Ganacsiga Duurjoogta.

Heemaall

Madaxwaynaha Uganda Oo U Yeedhay Ciidamada ka Jooga Somaliya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More