Heemaal News Network

Qaramada Midoobey Oo Sheegtay In Xasuuqii ka Dhacay Tigray Uu Noqon karo Dambiyo Dagaal.

Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa ka digtay in wararka sheegayo in xasuuq uu ka dhacay gobolka Tigray haddii la xaqiijiyo ay noqon karaan dambiyo dagaal oo la geystay.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii ha’yadda xuquuqul insaanka ee Amnesty ay sheegtay in tiro dad ah lagu laayay magaalo ku taalla Tigray.

Michelle Bachelet oo ka hadleysay magaalada Geneva waxay ku baaqday in baaritaano lagu sameeyo dhacdada isla markaana caddaallada la horkeeno dadka lagu helo inay ka dambeeyeen dilalka ka dhacay Tigray.

Waxay intaas ku dartay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la joojiyo dagaalka.

Mas’uuliyiinta Tigray waxay beeniyeen in ciidamadooda dad rayid ah ay halkaas ku laayeen halka goob joogayaal ay sheegeen in ciidamada Tigray ay dilalka geysteen.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadak.

Related posts

Ciyaartawga Hargaysa Oo Ka Hadashay Ciyaarta Ay La Leyihiin Xulka Awdal Ee Ku Soo Wajahan.

Heemaall

Xildhibaano ku Baaqay in Jawaab Deg-deg ah Laga Bixiyo Qoys Maanta Lagu Laayay Warsheekh

Heemaall

Dad ku Dhintay Dagaal Tuulada Garbo-Ciise ku Dhex-maray Somali Iyo Cafarta Itoobiya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More