Weerar Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii halige jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa caawa ka dhacay Maqaayad ku taalla meel u dhow Garoonka Aadan Cadde.
Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada jalaato Devino, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh.
Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa xaqiijiyay in 7 ruux oo meyd ah ay goobta ka qaadeen, halka dhaawacuna uu kor dhaafayo 10 ruux.
Ruuxa is qarxiyay oo la sheegay in uu gudaha u galay Maqaayadda, waxaana uu isku dhex qarxiyay koox u badan dhalinyaro.
Baraha bulshada ayaana si weyn looga dareemayaa saameynta uu qaraxan reebay, waxaana baraha lasoo dhigayaa sawirada dhalinyaro qaraxaasi ku dhintay kuwaa murogo badan ku beeray asxaabtooda kana tacsiyadeenayaan.
Dadka qaraxan ku dhintay waxaa kamid ah labo wiil oo kamid ahaa shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale dadka waxyeelada soo gaartay kamid ah shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah.
Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray saraakiil katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya kuwaa oo u kuur galaya khasaaraha uu reebay qaraxan , mana jiro ilaa hada faah faahino badan ay qaraxan ka bixiyeen laamaha amaanka Soomaaliya.
Qaraxyada ay fuliyaan dadka waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xira ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa ayna qaraxyadan cabsi badan ku abuureen shacabka taga goobaha lagu nasto laguna shaaho.