Heemaal News Network

Qarax Goor-dhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa daqiiqado yar kahor xiliga salaada maqrib qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Bakaaraha ee Degmada Hodan.

Sida uu noo xaqiijiyay sargaal katirsan booliiska Soomaaliya qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay agagaarka Isgooska Bakaaraha gaar ahaan kaalin shidaalka lagu iibiyo oo lagu magacaabo Hass Gas.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uusan geesan wax khasaaro nafeed ah, waxa uuna qaraxan bur bur gaarsiiyay darbi kuyaala halka la dhigay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya mudooyinkan dambe qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka , qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ciidamada iyo kuwa loo maleenayo in masuuliyiin la socdaan.

Related posts

Villa Somaliya Oo Jawaab Bixisay Cabashada Midawga Musharaxiinta.

Heemaall

Itoobiya Oo Gacanta ku Dhigtay Saraakiil ka Tirsan TPLF Oo la Tahriibinayay.

Heemaall

Midowga Musharixiinta Oo ku Hanjabay Inay sii Wadi-doonaan Dibadbaxyada Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More