Heemaal News Network
somali

Qarax Khasaaro Nafeed Gaystay Oo Goordhayd ka Dhacay Kismaayo.

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, kaasoo haleelay gaari bas ah oo marayey Isgoyska golol sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Wararka ayaa sheegaya in baska la qarxiyey ay lahaayeen rugta ganacsiga Jubbaland, ayna la socdeen koox ku ciyaarta magaca rugta oo la yiraahdo JCCI.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga buska ah uu gebi ahaantiis gubtay ka dib markii ay la kacday miino wadada lagu aasay, iyadoo ciyaartoydii la socotay ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa goobtaas gaaray, kuwaasoo halkaas ka wada howlgalo, iyadoo gaadiidka ambalaaska ay daabulayaan dhaawacyada qaraxaas.

Related posts

Cutubyo ka Tirsan Ciidankii Afganistan Oo ku Biirayo Ciidanka Iska-Caabinta Daalibaan.

Heemaall

Digniin Laga soo Saaray Ayax Horleh Oo kusoo Wajahan Somaliya.

Heemaall

Kanada Oo Qaadanaysa Qaxooti Soomaaliyeed Oo Ku Dhibaataysan Ustareeliya

Heemaal