Heemaal News Network
somali

Qarax Lagu Dilay Sargaal Oo ka Dhacay Meel U Dhaw Balcad.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulada Gololeey oo ku taal wadada xiriirisa degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar una dhow degmada Balcad, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu qabsaday mid kamid ah gaadiidka ayw ateen Ciidamada, waxaana qaraxa ku dhintay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Mailletriga Soomaaliya, kaas oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Cabdi Tooxow.

Sarkaalka ayaa Caan ka ahaa Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu in badan ka qeyb qaatay dagaalo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe looga saaray Ururka Al-Shabaab.

Ciidamo gurmad ah oo ka baxay degmada Balcad ayaa gaaray halka qaarxa lagula eegtay Ciidamada, iyaga halkaasi kasoo qaaday meydka Yaasiin Cabdi Tooxow iyo askar kale oo kamid aheyd ilaaladiisa oo qaraxa wax ku noqotay.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino iyo weeraro toos ah oo lagu dilay Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, waxana mas’uuliyadda sheegta Al-Shabaab.

Related posts

Taliban Oo Shardi Adag ku Xirtay Nabada Dalka Afgaanistan.

Heemaall

Musharaxiintii Xisbiga Ucid Ee Awdal Oo Qaadacay Natiijadii Doorshada Wakiilada.

Heemaall

Kenneth Roth Oo Isna Wax Ka Sheegay Farmaajo “Wuxuu Ku Dayanayaa Afewarki”

Heemaal