Heemaal News Network
somali

Qarax Lagu Laayay Shacab ku Mashquulsanaa Diyaar Garowga ciida.(Sawiro)

Weerar bambaano oo lagu qaaday suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu laayey ugu yaraan 35 qof halka tobaneeyo kalena lagu dhaawacay.

Sida ay sheegeen ila wareedyo dhanka amniga ah qaraxa ayaa ka dhacay suuqa ku yaal waqooyiga magaalada Sadr, xilli qoysasku isu diyaarinayeen ciidda Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Baqdaad muddo lix bilood ah.

Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda, waxayna sheegeen in mid ka mid ah xubnahooda uu qarxiyay jaakad lagu rakibay walxaha qarxa.

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka ay kula jirtay kooxdan IS sanadkii 2017-kii, hase ahaatee unugyada haraadiga ah ayaa sii wada weeraro iyo qaraxyo.

Related posts

Khilaaf ka Dhex-qarxay Madaxweynaha Galmudug Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Heemaall

Q/Midoobay Oo War kasoo Saartay Tirada Dadka ku Barakacay Dagaalkii Wisil.

Heemaall

Dad ku Qaylinayay Hadalo Yahuud Nacayb ah Oo Lagu Xir-xiray London.

Heemaall