Heemaal News Network

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho.(Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Km-4 sida wararku nagu soo gaarayaan.

Miino la dhigay agagaarka Masaajid ku yaalla isgoyska Km4 ayaa lagu qarxiyey gaari ka mid ahaa gaadiid halkaas marayey oo ah nooca aysan rasaastu Karin sida dad goob joogayaal ah warbaahinta u sheegeen.

Inta la xaqiijiyay hal Ruux yaa qaraxa ku geeriyooday halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad wadada marayay, waxaana burbur uu soo gaaray Goob Ganacsi oo lagu iibiyo Qalabka Gaadiidka ee Spar Parts-ka loo yaqaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa muddo badan saacad waxaa ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow ay markii dambe dib u fureen, waxaana xaaladda haatan ay noqotay mid caadi ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay caawa ayaa kaabiga ku heysa Hotelka afrik oo todobaadkii hore lala beegsaday weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah, kaasoo dad badan ay ku dhinteen.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada miino ee wadada dhinaceeda la dhigo, iyada oo sidoo kale todobaadkii hore weerar ku bilaawday qarax lagu qaaday Hotelka Afriik oo u dhow Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

Related posts

Mulkiilaha Wadani Oo Hadlay Qaabka Mushara Beelaha Gabooye Uga soo Baxayan Xisbiyada.

Heemaall

Meydka Ugaas Xasan Oo loo Qaaday Baledweyne.

Heemaall

Suudaan iyo Masar Oo Wadajir U Bilaabay Dhoolatus Militeri.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More