Qaraxyo Isxigay Oo Goor-dhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho.(Sawiro)

Labo qarax oo is xigay ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada Maka Almukarama.

Qaraxa hore oo ahaa gaari waxyaabo qarxa ku xirnaa ayaa ka dhacay agagaarka Daarta Colow Tower ee Isgoyska Dabka, waxaana la sheegay in uu yahay gaari Nooca raaxadda ah oo walxaha qarxa lagu soo xiray.

Gaarigan la qarxiyay ayaa la sheegay in uu lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamri, waxaana ku nafwaayay wiilkiisa.

Sidoo kale Qaraxa kale oo daqiiqado ay u dhaxeeyeen ayaa la dhacay dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama.

Labada Qarax ayaa ahaa nooca baabuurta lagu xiro, gaar ahaan qeybta hoose ee darawalka.

Lama oga khasaaraha rasmiga, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga oo goobta xiray.