Dowladda Qatar ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo rabshadihii ugu dambeeyay ee maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo taageersan Midowga Musharaxiinta.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, iyagoona sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro arrimaha soo cusboonaaday, lana ilaaliyo nabadda.
Qatar ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay dejiyaan xaaladda, kana hortegaan wax kasta oo sii kordhin kara arrimaha jira, isla markaana la ilaaliyo rajada shacabka Soomaaliyeed ay qabaan.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sii raacsiiyay in khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal nabadeed, si loo gaaro heshiis wadajira ah, lana ilaaliyo nabadda iyo deganaashaha.