Heemaal News Network
somali

Qiimaha Maciishada Diridhabe Oo Lajaangooyay

War kasoo baxay Ismaamulka Diridhabe ayaa lagu sheegay in lajaan gooyay qiimihii maciishada ee Diridhabe oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kacsanaa.

Haddaba waxyaabaha aad hoos loogu dhigay qiimahooda ayaa waxaa kamid ah Saliida 5ltr oo horey u ahayd 600 Birr ayaa hadda laga dhigay 450 Birr, Saliida 20ltr oo horey qiimaheedu u gaaray 1950 Birr waxaa laga dhigay hadda 1700 Birr, waxyaabaha sidoo kale qiimahooda hoos loo dhigay ayaa waxaa kamid ah Sonkorta,Bariiska, Burka, Baastada iyo Makarooniga.

Lama oga siday u hirgalayso qiimahan ay dawladdu soo saartay iyadoo maalmihii u dambaysay ay dawladdu albaabada u laabtay goobihii lagu iibinayay raashinka, iyadoo sabab uga dhigaysay inay ku lug lahaayeen sicir bararkii jiray inkastoo dib loo furay goobihii ganacsiga ee raashinka lagu iibin jiray.

Related posts

Xafiiska RW Rooble Oo War kasoo Saaray Warar Been Abuur ah Oo Laga Baahiyay, Iyo Cida ka Denbaysay.

Heemaall

Maraykanka Oo Lacag 500 Milyan Ugu Deeqday Dalal ay ku Jirto Somaliya.

Heemaall

Amisom Oo Go’aan Ka Qaadatay Xasuuqii Kenya Ka Gaysatay Gobolka Gado

Heemaal