Heemaal News Network
somali

QM Iyo Midowga Afrika Oo War ka Soo Saaray Xariga loo Gaystay Madaxda Mali.

Ciiddanka dalka Maali waxay Xabsiga u taxaabeen Madaxweynaha KMG ee Mali, Bah Ndaw iyo Ra’isul-wasaarihiisa Mukhtaar Coon, kuwaasi oo la xiray saacado kadib, markii Isku-shandheyn lagu sameeyey Golaha Xukuumadda ee dalkaasi.

Isku-shaandheyntaasi waxaa xilalkooda ku waayey 2 Wasiir oo ka mid ahaa Saraakiishii Milliteriga ee ka dambeysay Afgembigii dalkaasi ka dhacay bishii August ee sanadkii hore.

Labada Wasiir ee Xilalkooda ku waayey Isku-shaandheyntaasi ayaa kala ah Wasiirkii Difaaca, Kolonel Saadiyo Kamara iyo Wasiirka Ammaanka, Kolonel Modibo Kona.

Wax sabab ah lagama bixinin sababaha ay Labada Wasiir ku waayeen Xilalkooda.

Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen QM iyo Midowga Afrika waxay ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan oo aan shuruud lahayn lagu sii daayo Madaxweynaha, RW iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Mali.

Dalalka Maraykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo Urur-gobaleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS waxay iyagana saxiixeen Hadal-qoraal oo ku aadan Sii-daynta Madaxda dalka Mali ee ay Milliteriga xireen.

Ilo-wareedyo Diplomaasi iyo kuwoDowladeed ayaa sheegay in Madaxweynaha KMG dalka Mali, Bah Ndaw, Ra’isul-wasaarihiisa Mukhtaar Coon iyo Wasiirkiisa Difaaca, Suleymaan Dukore lagu hayo Saldhiga Milliteriga ee Kati oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Bamako.

Bishii August ee sanadkii hore, Afgembi Milliteri oo ka dhacay dalka Mali waxay Milliteriga xilka ka tuureen Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Ibrahim Bubakar Keita, kaasi oo lagu khasbay inuu is-casilo.

Related posts

Maraykanka Oo Xaqiijyey in Ciidamo Somali ah ka Dagaalameen Gobolka Tigray

Heemaall

Dowladii Ugu Horaysay Oo Shaacisay iney Iskaashi la Yeelaneyso Hogaanka Taliban.

Heemaall

Rooble Oo xafiiskiisa Ku Qaabaliy Kate

Heemaal