QM Oo ka soo Horjeesatay Sharci Lagu Dhufaanayo Raga Kufsiga ka Geysta Nigeria.

Sarkaal sare oo arrimaha bani`aadannimada ah u qaabilsan Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ayaa cambaareysay sharcigii dhowaan uu saxiixay gudoomiyaha gobolka Kaduna ee dalka Nigeria, kaas oo ciqaab adag ku soo rogay ragga kufsiga geysta.

Sharciga ayaa dhigaya in ragga lagu helo kufsi ay u geysteen carruur ka yar 14 sano la dhufaano isla markaana lagu xukumo dil, Sidoo kale haweenka ayagana lagu helo kufsi ayaa ciqaab taas la mid ah maraya.

Ms Bachelet ayaa sheegtay in arrintaasi aysan soo kordhineyn xal, balse ay tahay arrin cadowtinnimo iyo jirdil ah.

Bilihii la soo dhaafay waxaa dalka Nigeria laga cabanayay inay hooseeyaan heerka xukunka dadka lagu soo eedeeyo kufsi.

Kaduna waa gobolka keliya ee Nigeria ee soo rogay sharci noocaas ah.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy