Heemaal News Network
somali

QM Oo Ku Baaqday In Cadaalada La Horkeeno Ragii Qarxiyay Dugsiga Al Mucasir

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Jimcihii si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee khasaaraha badan dhaliyay ee Khamiistii lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Qaramada Midoobay oo marayay afaafka hore ee Iskuulka Almucaasir ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sida uu sheegay ku xigeenkiisa.

Xoghayaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi, sida uu hadalka u dhigay ku xigeenka afhayeenka Farxaan Xaq.

Xoghayuhu wuxuu muujiyay sida buuxda ee ay Qaramada Midoobay ula garab taagan tahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo xagjirnimada

Ugu yaraan 8 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 17 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka ismiidaaminta ah ee loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo dhacay subaxnimadii hore ee Khamiista.

Booliisku waxay sheegeen in bartilmaameedku ahaa kolonyo ay lahayd shirkad amni oo ilaalisa shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Related posts

IGAD Oo Soo Dhawaysay Xabadjoojintii Colaada Itoobiya

Heemaall

Xassan Shiikh Oo Magacaabay Ergay Cusub Iyo la Taliyaha Arrimaha Shidaalka

Heemaall

RW Rooble Iyo Safiirka Sacuudiga Oo Wada-hadal ku Yeeshay Muqdisho

Heemaall