Heemaal News Network
somali

QM Oo Shaacisay Tirada Dadkii ka Barakacay Dagaaladii Muqdisho

Khalalaasihii ka jiray magaalada Muqdisho ayaa sababay in dad u badanaa carruur iyo haween ka soo jeeda qoysas danyar ah ay ka qaxeen guryahooda, iyadoo degmooyinka ugu badan ee laga qaxay ay ahaayeen Hodan iyo Howl-wadaag, kuwaas oo ay ka jireen dhaq-dhaqaayada ugu badan ee ciidan.

Bayaan ka soo baxay xaafiiska Isuduwaha Gargaarka Bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay ka walaacsanyihiin barakaca baahsan ee ka jira Muqdisho.

Waxaa Bayaankan lagu sheegeen in qiyaasata horudhaca ah ay muujineyso inta u dhexeysa 60,000 illa 100,000 oo qof in lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda magaalada Muqdisho kaddib rabshadihii billowday 25-kii April.

Barakacayaashan ayay sheegeen inay ka midyihiin barakacayaal hore oo nugul, kuwaas oo nolol u soo raadsaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, laakiin mar kale u qaxay meel ka baxsan magaalada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda ammaanka ee Muqdisho ee sii xumaaneysa” ayuu yiri kusimaha Isuduwaha Gargaarka Bini’aadaminimo ee Soomaaliya Caser Arroyo.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Eedeyn U Jeedisay Hay’addaha Gargaarka.

Heemaall

Museveni Oo Lagu Eedeyay Xasuuq Uu ku Gaystay Ciidamo Laga Qaaday Somaliya

Heemaall

Olole Nadaafadeed Oo Maanta Laga Fuliyay Seeraha Borama.

Heemaall