Heemaal News Network
somali

Qodobo Laga soo Saaray Shir Xal Loogu Raadinayay Xiisada Baladwayne.

Waxaa goordhow soo dhammaaday Shir u dhaxeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Xildhibaanada Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka besha Xawaadlle ee Beledweyne ku sugan.

Shirkaasi ayaa Odayaasha warbixin uga dhageysteen Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday iyo Siyaasiyiinta beesha kuwaas oo doonaya in la dhameeyo tabashada laga qabo dhismaha labaad ee maamulka Hirshabeelle isla markaana Beledweyne la keeno Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Dood kulul iyo faleyn dheer kaddib Siyaasiyiinta ayaa soo jeediyay labo qodob oo kala ah.

1-In Beledweyne si shuruud la’aan ah lagu keeno Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe kaddibna miiska loo saaro tabasha la qabo dhismaha Hirshabelle iyo xuquuqdka besha Xawaadlle ka maqan.

2-Haddii aay taasi dhici weeyso in Odayaasha aay iska soo saaraan guddi kuwaas oo lagu biirinayo guddi Siyaasiyiin ah isla markaana tagaya Jowhar kaddibna Cali Guudlaawe kala hadli doona tabasha jirta si xaaldda taagan looga gudbo.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in talada ugu dambeeysa aay dib ugu laabanayaan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan kaddibne ay go’aan kama dambeen ah soo gaari doonaan.

Ugu dambeyn waxaa lagu ballamay in kulamo kale la isugu yimaado si ugu dambeyn xal loogu helo tabasha jirta.

Related posts

Farmaajo Oo Darajada Ciidanimo ka Qaaday Taliye Saadaqii Shalay Hor-istaagay Kulankii Barlamaanka.

Heemaall

Muuse Biixi Oo Qaabilay Shir-gudoonka Cusub.(Sawiro)

Heemaall

Khasaaro ka Dhashay Dagaal Maanta ka Qarxay Jubbada Hoose.

Heemaall