Qof loo Xiray Haweeney Lagu Dilay Magaalada Burco

Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Burco ee Gobolka ogdheer, waxaana la sheegay in dilkeeda uu ka dambeeyay Nin kamid ah dadka ku nool Magaaladaas.

Meydka Gabadha ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Cisbitaalka Dr Cabdi Suudi, waxaana uu sheegay in falka dilka ah ee Gabadha loo geystay uu xalay ka dhacay Magaalada Burco.

Ciidamada Booliska Magaalada Burco ayaa waxaa ay dilka, kaddib sameeyeen howlgallo, iyada ugu dambeyn la sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysan falka dilka ah.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa keenay in Ninka uu dilka u geysto Haweeneyda balse ay Ciidamada booliska baaritaan ku hayaan waxaana Ugbaad Cai la sheegay inay ahayd Hooyo saddex Carruur ah dhashay.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy