Qoor Qoor Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ka Alshsbaab

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Qeybta 21aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo Shabaab.

Waxaa uu xusay in degaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, islamarkaana ay diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.

Qoorqoor waxaa uu sheegay in Galmudug ay diyaarisay ciidan ku filan dagaalka Al-Shabaab ka dib markii uu dhawaan tababar u soo xiray ku dhawaad 500 oo askari.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy