Heemaal News Network

Qoor-qoor Oo Qaabilay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Madaxa Maxkamada Ciidamada(Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug gaaray Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Hoggaanka heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka.

Wasiirka iyo gaashaandhiga iyo xubnaha la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo saraakiil katirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa wafdigan ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Galmudug, waxa uuna kala hadlay howlagalada ciidamada milatariga iyo sidii xarun rasmi ah Maxkamada ciidamada qalabka sida uga sameysan laheyd Galmudug.

Wasiirka iyo Hogaanka Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa inta ay joogaan magaalada Dhuusomareeb la kulmi doona saraakiisha iyo ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan taliska qeybta 21-aad.


Related posts

Taageerayaasha La Xiray Oo Eeda Dusha Ka Saaray Donald Trump

Heemaal

Jubbaland Oo War kasoo Saartay Shirka Uu Iclaamiyay Farmaajo.

Heemaall

Golaha Wasiirada Biixi Oo ka Dooday Hoos U Dhaca ku Yimid Dhaqaalaha Somaliland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More