Heemaal News Network

Qoorqoor Oo La Kulmay Madaxweynayaashii Hore Iyo Khayre

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo kamid ah Musharaxiinta.

Kulamada dhexmaray Qoorqoor, Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ku hor gudban qabsoomida doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sigaar ah Musharaxiinta uu la kulmay ugala hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo is hor istaaga dowladda ku sameeysay banaanbax ay soo abaabuleen Musharaxiinta oo ka dhici lahaa Daljirka daahsoon.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Qoorqoor uu Musharaxiinta ka dalbaday in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan doorashada oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Kulamada ka dhacay Muqdisho ayaa ka dhacay, kadib markii uu codsaday Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray Caasimadda, si uu uga qeyb galo Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

Related posts

Spain Oo Ansixisay In ka Badan 4 Million Yuuro Oo Dayn Cafinta Somaliya ka Mid Noqonaysa.

Heemaall

Cirro Oo Shir Gudoomiyey Shirka Gudida Fulinta Xisbiga

Heemaal

Tirada Dadka Iska Diwaangaliyay Gobolada Somaliland Oo la Shaaciyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More