Heemaal News Network

Qoyska Trump Oo Ku Kala Jabay Natiijadda Doorashada

Dadka ku xeeran Madaxweyne Donald Trump waxay bilaabeen inay ku kala jabaan diidmadiisa joogtada ah inuu aqbalo natiijooyinka doorashada 2020, iyadoo Jared Kushner iyo marwada koowaad Melania Trump ay kula taliyeen in uu aqoonsado natiijada doorashada iyo guusha uu gaadhay madaxweynaha la doortay ee Joe Biden guushiisii iyo wiilashiisii oo culeys ku saaray in uu sawo dagaalka.

Kushner, oo uu sodog u yahay Madaxweynahu ahna la taliye sare oo ka tirsan aqalka cad, ayaa isaga soo dhawaaday in uu qirto guuldarada ka soo gaadhay kooxdooda doorashada kulana taliyey Tramp in aqbalo natiijada.

Marwada koowaad, sida laga soo xigtay ilo gooni ah oo aqoon u leh, waxay si hoose u sheegtay in la gaadhay waqtigii uu aqbali lahaa guuldarada doorashada saygeedu.

Dhanka kale, labada wiil ee Donald, Jr iyo Eric, ayaa ku booriyay xulafada inay sii wadaan cadaadiska waxayna ku riixeen Jamhuuriyiinta iyo taageerayaashooda inay si cad u diidaan natiijada.

Dhanka kale saraakiil horey uga soo shaqeyn jirtay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ugu baaqday Trump in uu aqbalo natiijada doorashada si loo gudo galo hanaanka xil wareejintiisa.

Bayaan kasoo baxay saraakiishan ayaa lagu sheegay “Tani waxay aheyd doorasho si weyn loogu loolamayay balse sida ku xusan taariikhda waxaa jiray madaxweyneyaal xilka uu sii hayay oo kuwii ka guuleystay u fududeeyay xil wareejinta”

Waxaana kamid ahaa dadkaas baaqa u jeediyay Trump saraakiil horey ula soo shaqeysay madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka sida Busha, Obama iyo Clinton.

Waaxda guud ee adeegyada maamulka oo ah laan ka tirsan dowladda ayaanan weli si rasmi ah Biden u aqoonsan in uu yahay madaxweynaha la doortay.

Related posts

Xildhibaan Si Adag Uga Hadlay Laydh La’aanta Garoonka Kubada Cagta Ee Hargaysa.

Heemaall

Dawladda Oo ku Baaqday in la Joojiyo Colaad Beeleedyada ka Socda Gobolka Mudug

Heemaall

Meydka Haweeney si Arxan Daro ah Loogu Dulay Muqdisho Oo Saaka la Arkay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More