Heemaal News Network

R/W Rooble Oo Caawa Diiday ka Qeyb-galka Casho Sharaf Uu Sameeyay M/Deni

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka cudur daartay in uu ka qeyb galo casho sharaf lagu sagootinayay Wafdiga Ra’isdul Wasaaraha hogaaminayay oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garawe.

Madaxaweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Garawe ku sameeyay casho sharaf uu ugu tala galay in lagu sagootiyo Ra’isul Wasaare Rooble iyo wefdiga la socday.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana diiday in uu ka qeyb galo casho sharafta Madaxweyne Deni ku sameeyay Madaxtooyada, waxa uuna sheegay Rooble in casho sharafta aysan macno sameeneyn maadaama fashilmeen qorshihii uu Garawe u tagay.

Rooble ayaana caawa intii casho sharafta ka socotay Xarunta Madaxtooyada Garawe ay ka qeyb galeen Wasiiro la socday waxa uu kormeer ku maray qeybo kamid ah magaalada Garawe, isagoona kula kulmay qeybo kamid ah bulshada Garawe.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku guul dareestay qorshihii uu u tagay magaalada Garawe ee ahaa in uu ku qanciyo Madaxweynaha Puntland in uu soo magacaabo Guddiga doorashada sidoo kale ogolaado sida dowlada u wado doorashada.

Related posts

Joe Biden iyo RW Uk Boris Johnson Oo Wada-hadallo Yeeshay.

Heemaall

AMISOM Oo keentay Ciidamo Sugaya Amniga Doorashooyinka Somaliya.

Heemaall

Abaabulka Banaanbaxyo Looga Soo Hor Jeedo Dalbka Madoobe Oo Ka Socda Gado

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More