Heemaal News Network
somali

R/Wasaare Rooble Kulan la Qaatay Safiirka Dowladda Kenya U Fadhiya Somaliya.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Waxay ka wada hadleen hagaajinta, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Danjire Lucas Tumbo ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo celiyeen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Danjire Lucas Tumbo ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, halka danjiraha Somalia u fadhiyey Kenya Maxamuud Nuur Tarzan uu isna shaqadiisa dib uga bilaabay safaarada Somalia ee Nairobi.

Inkastoo xiriirkii diblomaasi ee Somalia iyo Kenya la soo celiyey hadda DF ayaa u muuqata iney ka gaabsaneyso la macaamilka Kenya.

Related posts

Xildhibaanada Cusub Ee Degmada Borama Oo Maanta La Dhaariyey

Heemaall

Gaas Oo Ka Hadlay Shaqa Joojintii Fahad Yasiin Uu ku Sameeyay Raysal Wasare Rooble.

Heemaall

Rooble Oo Shir Isugu Yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya

Heemaall