Heemaal News Network
somali

R/Wasaare Rooble Oo Arrimaha Doorashooyinka kala Hadlay Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa XFiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Safiirka Qatar sida ay taageerada had iyo jeer u siiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa dhankiisa sheegay inay dardar gelin doonaan mashaariic horumarineed oo ay ka fuliyaan meelo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale ay dowladda Federaalka kala Shaqeyn doonaan Arrimaha doorashooyinka.

Related posts

Xukuumada Biixi Oo Maanta Siidaysay Rag Ku Eedaysnaa Argagixisano Oo Xirnaa 18 Sano

Heemaall

Boris Johnson Oo Wada Qorshe Uu Kaalmada Uga Jarayo Dalalka Caydha Ah

Heemaal

Siyaasiyiinta Arab Ee Wadani Oo Xisbiga ka Difaacay Eedeymo Beeshooda Uga Yimid.

Heemaall