Heemaal News Network
somali

R/Wasaare Rooble Oo Guddi U Magacaabay Rabshadihii ka Dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roole ayaa waxaa uu Guddi u saaray dagaalkii Magaalada Muqdisho ku dhex-maray 25-kii Bishii Apriil Ciidamo taagersan Madaxtooyada iyo kuwo kasoo horjeeday muddo kordhinta.

Qoraal kasoo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lau sheegay in iyad aoo laga jawaabayo Go’ankii uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada & Amniga guddigaan la Magacaabay.

Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Xubnaha mucaaradka,waxaana ay ka Shaqeyn doonaa kasoo tala bixinta & xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Wasiir Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale

2: Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax

Guddoomiye

3: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji Xubin

Mudane: Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin

Mudane: Farxaan Cali Axmed Xubin

Mudane: Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta. Xubin

Senatore Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Xubin

Senatore Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagey)Xubin

Senatore Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) Xubin

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad Xubin

Xubnaha Guddiga oo uu Ra’iisul Wasaaraha magacaabay ayaa waxaa Waajibaadka laga sugayo uu yahay.

Xalinta caqabadaha saameeyey Ciidamada ee ka dhashay arrimaha

siyaasadda.

Dib-u-celinta Ciidamadii ka soo baxay furimaha ee soo galay Magaalada

Muqdisho.

Baabi’inta calaamadii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada

In Guddiga howshiisa xal ka gaariska khalalaasaha uu ku soo gaba-gabeeyo muddo Shan (5) casho gudahood.

Waxaa xubnaha Guddigan la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan u gutaan howlaha loo igmaday kana keenaan gungaar dhameystiran.

Guddiga waxa uu bilaabayaa howshiisa laga bilaabo maalinta warqaddan la saxiixo lana shabadeeyo.

Related posts

Garoonka Muqdisho Oo Lagu Qabtay Lacag Kenya Ka Timid Oo Sharci Darro Dalka lagu Soo Galinayey

Heemaal

Dhalinyaro Somali ah Oo kamid Noqday Dadkii ku Barafoobay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Heemaall

Amisom Oo lala Eegtay Qarax Xoogan Iyo Shabaab Oo Sheegatay

Heemaall