Heemaal News Network
somali

R/Wasaare Rooble Oo Magacaabay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiga Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Guddigan uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaana eegi doona cabashada rasmiga ah ee laga soo gudbiyay xubnaha guddiga farsamada Heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo kuwa xalinta khilaafaadka .

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa horey u sheegay in xubno katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya iyo shaqaalo dowladeed ku jiraan guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka.

Heshiiskiii dhawaan Golaha wadatashiga Qaran ku gaareen teendhada Afisiyooni ayaa waxaa kamid aheyd in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha cabashada laga keenay ee ku jira guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee horey loo magacaabay.

Related posts

Dacwad Laga Gudbiyay Macbad Lagu Aflagaadeeyay Nabi Maxumed NNKH.

Heemaall

Somaliland Oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaantay Xildhibaan Sheegay Inuu Afduub ka Badbaaday.

Heemaall

DP World Oo Jabuuti ku Eedeysay Inay oo ku Xadgudubtay Heshiis Caalami ah Oo ay Horey Ula Gashay

Heemaall