R/Wasarihii Hore Ee Somaliya Kheyre Oo Safar Dhinaca Ololihiisa ka Bilaabay Jabuuti.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta oo Axad ah safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Magaalada muqdisho, tan iyo markii Golaha Shacabka ay codka kalsoonida kala laabteen 25-kii Bishii July ee sanadkaan.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan safarka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu safaro kala duwan uu ku tegi doono qaar kamid ah wadamada Bariga Afrika kuna hormari doono dalka jabuuti ,si uu u dardar geliyo ololihiisa doorashada.

12-kii Bishii Setember e sanadkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Saddex sano iyo barkii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka,waxaa xukuumadiisa lagu eedeeynayay waxyaabo kala duwan halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin inay wax badan qabatay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy