Heemaal News Network
somali

Rabshado Hor Leh Oo ka Dhacay Masaajidka Al-Aqsa

Qalalaase hor leh ayaa dhexmaray booliska Israa’iil iyo shacabka Falastiini ah kaas oo ka dhacay masaajidka Al Aqsa ee ku yaalla Qudus ka hor qorshaha ku aadan dabaaldegga maalinta qarannimada oo ay xusayaan shacabka Israa’iil.

Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo, sida ay wararka sheegayaan.

Boqolaal Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 20 kamid ah booliska Israa’iil ayaa ku dhawaacmay rabshadihii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay masjidka Al Aqsa.

Waxaana laga cabsi qabaa in maanta ay mar kale halkaas ka dhacaan rabshado hor leh, Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.

Related posts

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo soo Saaray Jadwalka Doorashada Sagaal kursi.

Heemaall

Shacabka Jabuuti Oo ka Cabanaya Amar ay Dowladdu kusoo Rogtey.

Heemaall

Maraykanka Oo Lacag 500 Milyan Ugu Deeqday Dalal ay ku Jirto Somaliya.

Heemaall