Heemaal News Network
Caalamka

Rag African Ah Oo Laga Soo Mastaafuriyay Maraykanka

Masuuliyiinta Waaxda Socdaalka ee dalka Liberia ayaa sheegtay inay sugayaan 35 qof u dhashay dalkooda oo laga soo masraafurinayo dalka Maraykanka maanta galinka dambe.

Afayeen u hadlay waaxdan Socdaalka oo magaciisu yahay Abdu Dolley, ayaa u sheegay radio maxali ah in 35 qof oo dhamaantood rag ah, ay dambiyo ka gayteen dalkaasi Maraykanka, lana xukumay oo ay xukunkooda ku soo qaateen Maraykanka, hadana la soo mastaafutiyay.

Afhayeenka ayaa waxa uu intan ku daray in dambiyada ragan lagu helay ay ka mid yihiin Musuqmaasuq, Khamri-cab, hub sharcidaro ah, ku xadgudub xuquuqda caruurta ah, is-hortaag boolis, iyo tacadiyo kale oo ay qirteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More