“Ragga Reer Nigeria Ma Jecla Inay Maqlaan Ereyga Sinaan Dhinaca Siyaasada Ah”

Haweenay Siyaasiyad ah oo u dhalaty dalka Nigeria ayaa si xoogan u cambaaraysay Ragga Siyaasiyiinta ah dinida, waxana ay tilmaantay in Ragga aanay diyaar u ahayn in haweenku ka qayb qaataan siyaasada, ama u ogolaadaan in ay talada qayb ku yeeshaan haba noqoto “heer degaane” marka ay timaaddo siyaasadda .

Aishatu Dukku, oo xubin ka ah Golaha Wakiilada Nigeria lagana soo doortay degaanada dhinaca waqooyiga bari Nigeria  ahna haweenaydii ugu horaysay ee xubin ka noqota golaha degaanka ee Waqooyi Bari Nigeria ayaa sidan sheegtay mar ay ka hadlaysay kulan ka dhacay baarlamaanka Ingiriiska, kulankaas oo ay iskugu yimaadeen haweenka siyaasiyiinta ah ee adduunka

“Nigeria marka aad joogto afka ma soo marsiin kartid kalmada ah Sinaan iyo Cadaalad dhinaca siyaasada ah, ragga reer Nigeria-na ma rabaan inay maqlaan, ereygaas” ayay tidhi Aishutu Dukku.

Aishutu ayaa sidoo kale sheegtay in ay jebisay xayndaab adag oo ay lama filaan ahayd in laga gudbo markii ay ku guulaysatay kursigan golaha  wakiilada ah  iyada oo taageero ka heleysa ninkeeda iyo aabaheed.

21 haween ah oo kaliya ayaa ku jira Golaha wakiilada ee Nigeria oo ka kooban 360 Mudane oo laga soo doortay gobolada dalkaas oo dhan

© Heemaal News Netwok