Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Oo Kulamo Uga Bilaabanayaan Kuwait.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay gaaray Magaalada Kuwait ee Caasimadda dalka Kuwait ayaa waxaa la filayaa in manta halkaasi ay uga bilaawdaan kulamo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida iyo ducada amiirkii dalka Kuwait Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax ee dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay Maanta la kulmayaan Amiirka dalkaas iyo Madax kale, iyaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy