Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Oo Booqasho ku Maraya Dalaka Itoobiya iyo Eritrea.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa booqasho rasmi ah ku maraya dalalka Eritrea iyo Itoobiya, iyadoo shalay uu ka degay magaalada Addis Ababa.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa salka ku heysa is bedelada ka jira gobolka, gaar ahaa xiriirka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo caadi ku soo laabatay 20 sano kaddib oo colaad u dhaxeysay.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa goor dhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka uu Talyaaniga la leeyahay dalalkaas oo xilligan u furmay bog cusub.

© Heemaal News Netwok