Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga Ee Qaranka Somaliya.

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho , arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.

Related posts

Xumno Iska Casilay Gudiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ee Somaliland.(Akhriso)

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo ka Dayrisay Marxalado ka Taagan Somaliya

Heemaall

Muqdisho:- Nin Dil Argagax Leh U Geystay Haweeney ay kala Tageen.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy