Heemaal News Network
somali

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulamo ka Bilaabay Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa kulan la qaatay qaar kamida Masuuliinta dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor kulanka waxaa uu booqasha iyo indha indheeyn ah uu ku sameeyay deegaanada uu saameynta ku reebay fatahaada Wabiga Shabelle.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta HIR-Shabeelle ayaa waxaa ay kaga wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Fatahaadaha wabiga iyo sida ugu haboon ee gargaar loogu gaarsiin lahaa dad uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulan la qaato saacadaha soo socda Odayaasha dhaqanka degmada jowhar iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Koox Hub Macmal ah Dadka ku Dhici-jiray Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawirro)

Heemaall

Baarlamaanka Jubbaland Oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Axmed Madoobe.

Heemaall

Dowladda Jabuuti Oo War kasoo Saartay Heshiiskii Doorashada Somaliya Laga Gaaray

Heemaall