Heemaal News Network
somali

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Magacaabay Wasiir Cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen , oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka ayaa horey usoo noqday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha isla markaana ahaa Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran ee Uu Ra’iisul-wasaaraha ka ahaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Magacaabiista ayaa ka dambeysay ka dib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu bishii April isku beddelay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, balse waxaa magacaabiista iska casilay Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Related posts

Puntland Oo Xukun Dil ah ku Riday 8 Xubnood Oo Dilal ka Falin-jiray Gaalkacyo.

Heemaall

Puntland Oo Mar kale Xukun Dil ah ku Riday Dhalinyo ka Tirsan Al-Shabaab.(Sawirro)

Heemaall

Xukumada Somaliya Oo Wax la Aqbali karin ku Tilmaantay in la kala Diro Hay’adaha Dowlada.

Heemaall