Heemaal News Network
somali

Ra’iisul Wasaareyaal War Kulul kasoo Saaray Qoys Muslim ah Oo Lagu Xasuuqay Canada.

Ra’iisul-wasaaraha dalka Kanada, Justin Trudu waxa uu si kulul u cambaareeyey falkii Gaariga Xamuulka lagu jiirsiiyey, laguna dilay qoys Muslimiin ah oo ku noolaa dalka Kanada.

Ra’iisul-wasaaraha oo la hadlay Kulan uu Barlamaanka lahaa waxa uu sheegay inuu ahaa falka Argagixiso oo ka dhan ah Muslimiinta, oo uusan ahayn shil caadi u dhacay oo kale.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Cimraan Khaan waxa uu Twitter-kiisa ku sheegay inuu weerarkaasi muuinayo sida Islaam-Nacaybka ugu sii kordhayo dalalka Reer Galbeedka.

Nin cunsri ah oo magaciisa lagu sheegay Nathaniyel Veltman ayaa u xiran falka uu ku dilay Qoyska Muslimiinta.

Dhibanayaasha ku geeriyooday weerarkasi oo dhacay Axadii la soo dhaafay waxaa lagu kala magacabi jirey Salmaan Afzal oo 46 jir ahaa, Xaaskiisa Madiiha oo 44 jir ahayd, gabadhooda Yumnja oo 15 jir ahayd iyo Ayeeyo 75 jir ah oo aan magaceeda la shaacinin.

Waxaa kaloo shilkaasi ku dhaawacmay wiil yar oo 9 jir, kaasi oo lagu daawaynayo Isbitaal ku yaalla magaalladda Ontaariyo.

Qoyskaasi waxay Qaxooti ahaan ku galeen dalka Kanada muddo haatan laga joogo 14-sanadood.

Related posts

Maraykanka Oo Ku Goodiyey In Uu Yaraynaayo Awooda Shiinaaha Ee Caalmka

Heemaal

Hawlgalo Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

Heemaall

RW Rooble Oo Ku Celiyay Inay Ka Go’an Tahay Doorasho Dalku Aado

Heemaall