Heemaal News Network

Raisal Wasaare Rooble Oo Ka Qayb Galay Shirka Baydhaba Isaga Oo Muqdisha Jooga

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta aaladda fogaan aragga ka qaybgalay shirka guddiga farsamo ee qaban-qaabada shirka wadatashiga Qaran oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Raysal Wasaaraha ayaa daahfuray shirka guddiga farsamo oo kulankoodii ugu horeeyey yeelanaya, waxaana uu guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddigan farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo ka kala yimid dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa baaraya sababta uu ku fashilmay shirkii ugu dambeeyey ee madaxda Soomaalidu isugu timid Dhuusamareeb.

Dhanka kale guddiga ayaa shir guddoon u doortay wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, waxaana uu kulankooda kusoo aadayaa xili maanta lagu waday inuu magaalada Garoowe ka furmo shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo balse ay qaadacday Puntland.

Related posts

Danjiraha Somalia Ee K/Sudan Oo Qodobo Muhiim ah kala Hadlay Riek Machar.(Sawirro)

Heemaall

M/Biixi Oo Wareegto ku Dhaqan-galiyay Waqtiga la Qabanayo Doorashada Wakiillada Iyo Deegaanka

Heemaall

Maamulka Falastiin Oo ka Jawaabay Go’aan kasoo Baxay Biden.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More