Heemaal News Network
somali

Raisal Wasaraaha Faransiiska Oo Kaaratiin La Galiyey

Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul wasaare Jean Castix, uu ku dhacay fayraska Corona, sidaas darteena uu gali doono xaalad karantiil ah tobanka maalmood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaare Jean Castix, oo hadda 56 sano jir ah ayaa la caddeeyay inuu haleelay Xanuunka Corona Virus, isaga oo horay u qaatay tallaalka ka hortagga xanuunkan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayuu ku dhacay xanuunka Covid-19 bishii Diseembar 2020, sidoo kale tiro ka mid ah wasiirrada Faransiiska ayaa laga helay fayraskan, kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Maaliyadda Bruno Le Maire iyo Wasiirka Dhaqanka Roslyn Bachelot.

Inta badan waddamada reer Yurub ayaa la daalaa dhacayo sidii ay ugu hortagi lahayeen fitaanka mowjadaha cusub ee Covid 19, iyadoo horay inta dabadan dalalka Yurub loogu soo rogay xannibaado dhanka caafimaadka ah si loo xakameeyo xanuunkan.

Wasiirka caafimaadka dalka Jarmalka Jens Young, ayaa shir Jaraa’id uu shalay qabtay ka digay halista xanuunkan oo dib u soo laba kacleeyay, isaga oo sidokale sheegay in dadka dalkiisa ee aan qaadan Tallaalka ka hortaga Corona Virus la tallaali doono.

Related posts

Madaxweyne Museveni Oo ku Hanjabay in Ciidankiisa kala Baxayo Somaliya.

Heemaall

Shaqaalaha Dawlada Oo Looga Digay Arimaha Doorashada Iyo Khilaafka Siyaasadeed.

Heemaall

Wasiir Dubbe Oo Hakiyey Go’aan Maqaahida Tiyaatarka Looga Iibiyay Shirkad Ganacsi.

Heemaall