Heemaal News Network

Raisul Wasaare Armenia Oo ka Badbaaday Afganbi Iyo Isku-day Dil

Saraakiisha Sirdoonka dalka Armenia ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe la doonayey in lagu dilo Raisal Wasaaraha dalkaasi Nikol Pashinyan.

Kooxdii abaabuleysay qorshana ayaa xabsiga loo taxaabay sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’ada Sirdoonka Armenia ee loo yaqaan NSS.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Artur Vanetsyan oo ay wehliyaan Hogaamiyihii hore ee xisbiga Jamhuuriga dalkaasi oo lagu magacaabo Vahram Baghdasaryan iyo xubno horey uga tirsanaa militariga dalkaasi ayaa la sheegay iney ka mid ahaayeen ragga abaabulka waday.

Sidoo kale, Kooxdan ayaa qorsheynayey inay awood ciidan kula wareegaan xukuumada kadib marka ay dilaan Raisal Wasaaraha.

Shacabka Armenia ayaa si weyn uga carooday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee uu todobaadkii hore saxiixay Raisal wasaaraha.

Dowlada Ruushka oo heshiiskaasi soo diyaarisay ayaa waxaa ka mid ahaa in dowlada Azerbaijan lagu wareejiyo dhul badan oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamda Armenia, laba soo afjaro dagaalka ka socday gobolka lagu muransanaa ee Nagorno Karabakh.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Magacaabay Guddi Cusub (Akhriso)

Heemaall

Dhamaantood Shaqada Ayaa Laga Eryey Markii La Daawaday Muuqaalkan

Heemaal

Trump Oo Eryey Wasiirkiisii Gaashaandhiga

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More