Heemaal News Network
somali

Ra’isul Wasaare Rooble Oo Heyadaha Amniga Somaliya ku Amray Feejignaan.(Sawiro)

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta Caafimaad ee dalka uu ku yeeshay Safmarka Covid-19.

Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee safmarka Covid-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxuna goluhu ansixiyay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Related posts

Al Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qarax Lagu Dilay Sargaal ka Tirsan Nabadsugida.

Heemaall

Mooshin ku Aadan Khilaafka Doorashooyinka Oo Golaha Shacabka la Horkeeni Doono Bari

Heemaall

Sacuudiga Oo Go’aan Cusub kasoo Saartay Cumrada Ramadaankan.

Heemaall