Heemaal News Network
somali

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Kormeeray Qeybaha Xafiiskiisa.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay, ayaa kulammo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha XFS.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulammada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Related posts

La Taliyihii Trump Oo Labbo Dacwadood Lagu Soo Oogay

Heemaal

Puntland Oo Go’aana soo Saartay Amniga Degaannadeeda Oo Maanta Laga Shiray.

Heemaall

Maxaa Keenay Khilaafkii R/W Rooble Iyo Wasiirkii A.Dibada? Waraysi Qaybta 4aad

Heemaall