Siilaanyo Oo Wasiiradda Uu Adeerka U Yahay Ka Dalbaday Kaalmo Farayna In Ay Si dadgdag Ah Ugu Tagaan

Warar xog ogaal ah oo ay heemaalnews ka heshay  ilo wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay  sheegeen in la filayo in koox Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay ka daba baxaan madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo safar ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Waftigan wasiirada ah oo iyaguna u baxaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa xoguhu sheegeen in la filayo in maalmaha soo socda oo waliba u badan Barri ama Saadanbe ay ka baxaan Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed,Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Aadan Ibraahin “Qabo”, wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo dhamaan isku hayb ah ayaa noqonaya wasiiradda ka daba tagaya Siilaanyo.

Ujeedada socdaalka waftigan wasiirada ah ayaa waxay xoguhu sheegayaan in uu daaran yahay sidii ay u badhi itaali lahaayeen, waftiga Siilaanyo oo u batay dad jilicsan..