Heemaal News Network
somali

Raysal Wasaarahii Sweden Oo Is Casishay Kabib 12 Saac Oo Talada Haysay

Haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqota dalka Sweden, Magdalena Andersson, ayaa is casishay, kadib, markii ay wax ka yar 12 saacadood ay haysay xilaasi sare, iscasilaadan ayaana timid kadib markii uu xisbiga Miljöpartiet uu isaga baxay isbahaysigii labada xisbi, taasoo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

 

Miss Andersson waxay sheegtay inay u sheegtay afhayeenka baarlamaanka inay rajaynayso in mar kale loo magacaabo ra’iisul wasaare hogaaminaya xukuumad hal xisbi ah. Rajada noocan ah ayaana loo badinayaa inay tahay mid macquul ah hadii ay taageero ka hesho xisbiyada siyaasada ee kale.

 

“Waxaan weydiistay afayeenka baarlamaanka in xilka ra’iisul wasaarenimo la iga qaado,” ayay Andersson ku sheegtay shir jaraa’id. “Waxaan diyaar u ahay in aan ra’iisul wasaare ka noqdo xukuumad xisbi keli ah, xisbigaas oo ah xisbiga Social dimuqraadiga.”

 

Xisbiga Green Party oo ah xisbiga sababay is casilaada raysal waraaha ayaa go’aanka uu kalsoonida kala laabtay qaatay ladib markii baarlamaanku uu diiday ansixinta miisaaniyad ay soo gudbiyeen.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Eedeyn U Jeedisay Hay’addaha Gargaarka.

Heemaall

Xaflad Lagu Taageerayay Musharax Fu’aad Oo ka Qabsoontay Borama.

Heemaall

Maraykanka Oo Amray In Deg-degloo Dhameystiro Doorashada Somaliya.

Heemaall