Raysal Wasaare Khayre Oo Soo Cimraystay

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Xasan Cali Khayre ayaa ku cumraystay Magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay la socdeen mas’uulyiin sare oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo cumraystay, waxa uuna intii uu ku sugnaa Xaramka uu ra’iisul wasaaruhu u duceeyay ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Koobaad ee Dalka ayaa Laba Maalmood ka hor u ambabaxay Dalka Sacuudi Carabiya, markii uu marti qaad rasmi ah ka helay madaxda Dalkaasi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal ee Walaalaha ah.