Real Madrid Oo Xaraashaysa Cristiano Ronaldo, Kadib Buuq Lama Filaan Ah Oo Dhashay

Aduunka oo dhan ayaa ka yaabay go’aanka uu qaatay weeraryahanka Real Madrid & xulka Portugal Cristiano Ronaldo kaas oo ka carooday hab dhaqanka waaxda canshuuraha Spain kuwaas oo kusoo eedeeyay inuu khiyaamay aduun dhan 14.7 Malyan oo Pound.

Ciyaariyahankii hore Manchester United wuxuu ka yaabiyay dunida kubadda cagta kadib markii uu shaaca ka qaaday inuu isaga tagayo, balse markaan saxaafadda Portugal ayaa soo warineysa inuu u sheegay ciyaartoyda qaranka Portugal ee jooga Russia ka tagistiisa Real Madrid.

“Waan ka tagayaa Real Madrid” ayuu Cristiano Ronaldo u sheegay saaxiibadiisa qaranka Portugal. “Waan qaatay go’aankaas” “dibna ugama laaban doono”

Layaabkaan wuxuu soo bilowday todobaadkii hore markii wargeyska ABOLA ee Portugal laga leeyahay uu qoray in Cristiano Ronaldo dalab 180 Malyan oo Euro uu heli doono, weyna soo ifbaxday sheekadii.

Ac Milan ayaa diyaarineysa suuragalnimada ah iney Real Madrid kala hadasho kala badalashada Cristiano Ronaldo & Gianluigi Donnarumma sida uu ka dhawaajiyay agaasimaha kooxda Massimiliano Mirabelli.

Weeraryahanka Portugal ayaa isaga tagaya Real Madrid xagaagan, waana go’aan ka yaabiyay qof walba oo kubadda cagta la socda inkastoo uu ku andacoonayo iney waaxda canshuuraha Spain ula dhaqmeen si aan qurux badneyn.

Cristiano Ronaldo haatan wuxuu ku sii dhawaanayaa in Real Madrid ay si toos ah suuqa u dhigto, halka Milan ay iyana goor hore u diyaar garowday iney iibiso Donnarumma oo diiday inuu kooxdiisa heshiiska u kordhiyo.

Hadii Cristiano Ronaldo uu ka tagayo Real Madrid isla markaana ay doonayaan Donnarumma, kadib waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno madaxweyne Florentino Perez” ayuu yiri Mirabelli oo la hadlayay Corriere dello Sport.