Heemaal News Network
somali

Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka Oo ku Shirsan Teendhada Afisiyooni.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo shir ku leh teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka

Gaar ahaan kulanka ayaa diirada lagu saarayaa xaaladaha siyaasada dalka, doorashooyinka iyo fududeynta howlaha horyaala xukuumadda Ra’iisal Wasaaraha oo ay ugu horeeyo shirka soo socda ee 20-ka bisha May ka dhacaya Mogadisho.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisal Wasaare Rooble tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyada doorashada dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa imanaya xili Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan dib uga laabtay go’aankii muddo kordhinta labad asano oo ay siweyn wakiilada beesha caalamku ugu riyaaqeen.

Related posts

Garaad Jaamac Oo ka Hadlay Wajiga 1aad Ee Deminta Colaadii Gobolka Sool Oo Maanta Lasoo Afmeeray.

Heemaall

Dadka U Dhimanaya Iyo kuwa uu soo Ridanayo COVID-19 Somaliya Oo Kordhay.

Heemaall

Somaliland Oo ka Hadashay Arday Cabasho ka Keentay Imtixaanka Shahaadiga.

Heemaall