Heemaal News Network
somali

Rooble Oo Xasan Sheekh kala Hadlay Amniga Iyo Arimaha Doorashooyinka.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabada ciida.

Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa salaan iyo isku marxabeyn kadib ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Waxa ayna labada masuul sidoo kale kawada hadleen shirka la filayo in 20-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho kaa oo looga arinsanayo doorashada dalka iyo sidii loo hirgalin lahaa doorasho loo wada dhan yahay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana tan iyo markii lagu wareejiyay socodsiinta howlaha doorashooyinka kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee dalka iyo qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka.

Related posts

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Shaaciyay Xiliyada La Dooran Doono Maayirada Magaalooyinka Somaliland

Heemaall

In ka Badan 100 Qof Oo ku Dhimatay Dagaalka Somalida Iyo Canfarta Ee Itoobiya.

Heemaall

Booliska Hargaysa Oo Xir-xiray Musharixiin kuwo Kalena Baadi-goobaya.

Heemaall