Heemaal News Network
somali

Rooble Oo Cambaareeyay Qaraxii Muqdisho

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah o dalku uu u dareeray doorasho.

Related posts

Mid ka Mid ah Beelaha Puntland Oo Cabasho U Soo Jeediyay Madaxwayne Dani

Heemaall

Ra’iisul Wasaarihii la Afgembiyay Ee Suudaan Oo Xabsiga Laga sii Daayay.

Heemaall

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo ku Dhawaaqay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Heemaall