Heemaal News Network
somali

Rooble Oo ka Qayb-galay Caleemasaarka Madaxwayne Geele.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro ay kamid yihiin wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale iyo Xubno kale.

Sidoo kale Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Afrikan ah, kuwaas oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in kulan doceedyo uu la yeesho Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysay Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti.

Related posts

Shaqaalaha Heemaal Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxay Qaboojiye

Heemaal

Wasaarada Waxbarashada Somaliya Oo Amar Adag Dul-dhigtay Jaamacadaha Dalka

Heemaall

Salaadiin iyo Cuqaal Laga Reebay Saxiixa Kuraasta Somaliland Ee Aqalka Sare Oo ka Digay Doorashada.

Heemaall