Heemaal News Network

Rooble Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ee magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inuu ku qotomo dhameystirka heshiiska doorasho ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ay gaareen.

Rooble ayaa madaxda maamulka Koonfur Galbeed kala hadlaya sidii loo dedejin lahaa howlaha doorashada iyo fulintooda.

Amniga waddooyinka magaalada Baydhaba ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay wadooyinka gala garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada maamulka ciidamada ka tirsan milateriga Soomaaaliya, kuwaas oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Doorashada guud ee dalka ayaa waxaa ka dhimman qabsoomiddeeda muddo kooban sida ku cad heshiiskii ay madaxdu ka gaareen, in kastoo ay jiraan cabashooyin iyo caqabado uu durba wajahayo heshiiskaas.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed, maadaama ay ku qanci waayeen sida la sheegay howlaha doorasho sid ay hadda u socdaan iyo waliba guddiyada la magacaabay.

Related posts

Wax Ka Ogow Taariikhda Lamaanha Qaxootiga Ah Ee Soo Saaray Talaalka Covid-19

Heemaall

Trump Iyo Taageerayaashiisha Oo Banaanbax Ka Dhigay Magaalada Washigton DC

Heemaal

Ururka Ikhwaanul Muslimiin Oo si Adah Uga Jawaabay Go’aankii kasoo Baxay Culimada Sacuudig.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More